09/02/10 (B537) RBC Radio (Raxanreeb). A lire et à écouter en Somali, une intervention d’Ahmed Reyale, qui nous a proposé aussi une synthèse en Français, que nous présentons en premier.

Lien avec la page de RBC :

__________ 1 – Synthèse en Français (Texte fourni par l’auteur)

Dans son intervention, Ahmed Reyale nous informe de la situation actuelle en République Djibouti. Selon ses affirmations, des éclatements seraient à craindre à l’interieur du pays. Ceux-ci causeraient beaucoup de dommages à la population. Il poursuit en précisant que ces éclatements sont la conséquence d’un phenoméne qu’il désigne comme la réaction à  »la maltraitance et la tyrannie envers le peuple  ».

Une question se pose concernant l’accord du Gouvernement djiboutien pour ouvrir le dialogue avec l’Opposition djiboutienne. Sachant que l’Opposition djiboutienne semble ouverte à toutes les formes de discussion aux conditions :
– qu’elles aient pour objectif la réconcialiation nationale et la restauration de l’unité dans la paix,
– que le Gouvernement djiboutien s’engage à ce que les négociations soient conduites sur des bases franches et directes et que les promesses faites soient tenues.

Enfin, pour M. Reyale, c’est possible, si le Peuple et les membres du Gouvernement refusent la manière dont le régime dirige actuellement le pays et que ce dernier accepte la participation de l’opposition et qu’il reononce à la politique d’ingérance de l’Etat dans la direction des partis d’opposition.

____________________________ 2 – Texte en Somali

Mucaaradka Djibouti oo Sheegay inay Ku Dayanayaan Jabhada FRUD (Dhageyso Wareysi)

Kiev, Ukraine (RBC Radio) Hogaamiyaasha isbahaysiga mucaaradka ee dalka Djibouti ayaa shaaca ka qaaday in ay raaci doonaan wadada ay ku socoto jabhada FRUD ee ka dagaalanta waqoyiga dalka Djibouti halkaasi oo ay ciidamada dowlada kula dagaalamaan.

Hadaba, hadalkaasi iyo kulamo ay xubnaha mucaaradka Djibouti ay dhowaanahan ku yeelanayeen wadanka Belgium ayaan wareysi ku saabsan waxaan kala yeelanay Axmed Reyaale oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee dalka Djibouti. Waxaana aan wareysigan la yeelanay isagoo ku sugan magaalada Kiev ee xarunta dalka Ukraine.

Axmed Reyaale ayaa wareysigan ku sheegay in dhamaan ururada mucaaradka ay isku raacsan yihiin sidii looga mira dhalin lahaa dagaalka looga soo horjeedo dowlada Djibouti, taasi oo ay ku raacsan yihiin hadal ka soo yeeray xubin ka mid ah xubnaha mucaaradka oo dalka dibadiisa jooga.

Mar aan wax ka weydiinay haddii mucaaradku leeyahay dallad ama qorshe guud oo ay ku midoobeen ayaa wuxuu sheegay in guud ahaan mucaaradka Djibouti ee diidan dowlada Ismaaciil Cumar Geelle hogaamiyo ay yeesheen hal dallad oo ay ku mideysan yihiin.

Axmed Reyaale oo ka hadlay xaalada hadda ka jirta dalka Djibouti gudihiisa waxaa uu sheegay inay jiraan dagaalo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah dalka kuwaasi oo dad ay ku waxyeeloobeen, isagoo ku tilmaamay inay qeyb ka tahay wax uu ku micneeyey ‘dhibaateyn iyo madax garraac lagu hayo shacabka.

Su’aal ku saabsaneyd in mucaaradku aqbalayo baaq nabadeed oo dhowaan ka soo yeeray dowlada Djibouti ayuu kaga jawaabay in mucaaradku aysan diideyn wada hadal kasta oo dalka xalkiisu ku jiro laakiin ay tahay in dowladu soo marto wadada wada xaajoodka ku haboon.

Ugu dambeyntii waxaa uu dadweynaha iyo xitaa xubnaha dowlada kujira ee diidan qaabka dowladu wax u wado ugu baaqay inay ka dhabeeyaan taageeradooda mucaaradka iyo inay iska diidaan siyaasada dowlada ee mucaaradku u arkaan inay yihiin kuwo dhibaato iyo burbur u horseedaya shacabka.