31/03/10 (B544) Un correspondant nous signale un article paru en Somali dans l’un des plus importants journaux du Somaliland qui dénonce la politique d’IOG et ses projets d’annexion des côtes de Zeila .. (En Français et en Somali)

Un récent article en Somali de Jamhuuriya, l’un des plus important journal du Somaliland dénonce la nouvelle politique d’IOG afin d’annexer les côtes de Zeila, et la question est posée au Anglais (au cas où la France soutiendrait l’expansionniste IOG).

Le Ministre de la, pêche à Hargheisa n’a ni confirmer ni infirmer ce vieux rêve d’IOG d’annexion des côtes Somaliennes de Loyada en passant par Zeila jusqu’à Lughaya.

Comme dirait le Général Zakaria originaire de Lughaya non loin de Berbara, "il nous faut une véranda maritime plus vaste pour les Issas.
15km de côtes pour les Issas ce n’est pas suffisant"

En fait ce littoral est riche car très proche des gisements Offshore qui regorge de pétrole et qui sont acteulellement entre les mains de la multinationale Total et non de Shell.

Il sembelrait que le Général Zakaria est actuellement politiquement malade hors du Territoire.

La RTD au retour d’IOG de Libye pour démentir ces rumeurs à diffuser une vieille photo d’archive où figurait le Général ZAK.

L’un de vos correspondants.

___________________________________________

Dawladda Jabuuti oo ku Hawlan Qorshe ay Doonayso Inay kula Wareegto Gacan-ku-haynta Xeebaha Galbeed ee Somaliland Xukuumadda Somaliland iyo dawladda Ingiriisku maxay ka yidhaahdeen qorshaha Jabuuti ku damacsan tahay inay kula wareegto badda degaanka Saylac?

London (Jam)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo la sheegay inay si weyn ugu mashquulsan tahay qorsheyaal dhul-ballaadhsi oo ku doonayso in ay kula wareegto qaybo ka mid ah badda Somaliland, gaar ahaan xeebaha degaanka Saylac, ayaa la xaqiijiyey inay dhowaan qoraal arrintaas ku saabsan oo ay ku sheeganayso xeebaha galbeed ee Somaliland si qarsoodi ah ugu gudbisay Qaramada Midoobay.

Ma jiro war si rasmi ah daboolka uga qaadaya jiritaanka qoraalka dawladda Jabuuti ku sheeganayso badda Somaliland, balse sida ilo-wareedyo xogogaal ah u xaqiijiyeen toddobaadlaha Jamhuuriya Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxa arrintani qayb ka ahayd heshiis qarsoodi ahaa oo dawladda Sheekh Shariif qaybo ka mid ah badaha Soomaaliya ugu wareejisay dalka Kenya, sidoo kalena Jabuuti ugu qoondeeyey biyaha xeebaha galbeedka Somaliland.

Qoraalka qarsoodiga ah ee Jabuuti ku sheeganayso qaybo ka mid ah badda Somaliland oo sida sheegay dhowaan loo gudbiyey Qaramada Midoobay, waxa markii ugu horreysay si cad loogu soo hadal-qaaday shir ay Sabtidii toddobaadkan magaalada London ku yeesheen masuuliyiin ka tirsan dawladda Britain iyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan UK.

Midoobay, waxa markii ugu horreysay si cad loogu soo hadal-qaaday shir ay Sabtidii toddobaadkan magaalada London ku yeesheen masuuliyiin ka tirsan dawladda Britain iyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan UK.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Mr. Norman Ling oo ka mid ah masuuliyiinta shirkaas ka qaybgalay, ayaa jaaliyadaha reer Somaliland weydiiyeen sidii dawladda Britian iyo caalamkuba wax uga qaban lahaayeen sheegashada xaqdarrada ah ee Jabuuti ku doonayso inay kula wareegto qayb ka mid ah biyaha badda Somaliland, waxaannu safiirku ku jawaabay; “Arrintas [sheegashadda Jabuuti ee badda Somaliland] hore umaanu ogayn, balse waanu ka daba tagaynaa, waanan xaqiijin doonaa siday ku dhacday.”

Heshiiska maamulka Sheekh Shariif ugu wareejiyey Kenya qaybo ka mid ah badda Soomaaliya oo sababay muran muddo dheer socday, isla markaana dawladdu marar badan beenisay jiritaankiisa, ayaa markii dambe soo shaac-baxay, kaas oo ay sharcinimadiisa xaaraantinimeeyeen Qaramada Midoobay iyo baarlamaanka dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya. hase ahaatee, ilaa hadda cid soo ma hadal-qaadin sheegashada dawladda Jabuuti ku doonayso inay kula wareegto badda Somaliland.

Dhinaca kale, Jamhuuriya Times oo xiganayey ilo xogogaal ah, ayaa u xaqiijiyey inay arkeen warqad dawladda Jabuuti u qortay Qaramada Midoobay oo ay ku doonayso inay kula wareegto qaybo ka mid ah badda Somaliland, gaar ahaan xeebaha Saylac. Warku waxa uu intaa ku daray in nuqul ka mid ah qoraalkaas ay hayso wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha Somaliland.
Haseyeeshee, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland

Md. Cali Maxamed Qoorseef oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si arrintan wax looga weydiiyo, ayaa sheegay in aanay xukuumad ahaan wax war ah ka hayn qoraalka la sheegay in Jabuuti u gudbisay Qaramada Midoobay ee ku sheegaynayso badda Somaliland, balse waxa wasiirku xusay inay wasaarad ahaan hayaan qoraal ku saabsan heshiis dawladda Kenya kula wareegayso qaybo ka mid ah badda Soomaaliya ee uu u saxeexay Sheekh Shariif, kaas oo Qaramada Midoobay 13 March 2010 horjoogsaday meelmarintiisa, kadib markii baarlamaanka Soomaaliya diiday.

Md. Qoorseef waxa uu sheegay in qoraalkaas lagu xusay in laga yaabo in tallaabada Kenya kula wareegaysay badda Somaliya ay ku dhaqaaqaan dawladdo kale, gaar ahaan Jabuuti iyo Yemen oo iyaguna sheegan kara biyaha xeebaha dhinacooda xiga, isagoo wasiirku xusay inuu horena u jiray muran dhinaca badda ah oo u dhexeeyey dawladdii hore ee Soomaaliya iyo dalka Yemen.

Hase ahaatee, Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland ma beenin, manuu qirin jiritaanka warka sheegaya in Jabuuti ku hawlan tahay sidii ay ula wareegi lahayd qaybo ka mid ah badda Somalilanad, balse wuxuu caddeeyey in xukuumad ahaan ay baadhitaan iyo dabagal ku samayn doonaan arrintaas, isla markaan jawaab ka soo saari doonaan.

Geesta kale, waxa dalka Jabuuti ka socda shir Qaramada Midoobay wado oo lagaga hadlayo sidii loo midayn lahaa shuruucda dhinaca badaha Somaliya, kaasi oo ay ka qaybgalayaan masuuliyiin ka kala socda Somaliland, Puntland iyo Somaliya.

Jamhuuriya Online