13/06/04 (B251) LDDH : interview du Président Jean-Paul Noël Abdi diffusé par la BBC (En langue Somalie)

 

INTERVIEW A LA
BBC –
SECTION SOMALIE
VENDREDI 21 MAI 2004

Su’aale SACIID ABDI MUSSE:
BBC
” … Laygada Xaququdda Dadka Jaabuti ururka waxaa ka madax ah Noel
Abdi Jean-Paul ayaa lo yaqan, an telefonka ku weeray sanee, waxaa horanti
weedinay : waxay urur kooddu uga qayb geeli waayayn shirka ay xukummaddu qaban-qabisay
oo laga hadlayay daryeelka xuquqal isaanka dalka? ” waxaa na uu ku jawaabay

Jawaabe: Jean-Paul NOEL
ABDI

Horta arrimo badan ayaa
isku yimid, maad oog tayhay ?

Anigu waxan ku jira urur uu Wasiirka Cadaaladu bishi 7aad, 15ki, 2002 u sameeyey
ayaan ku jira, ururka oo af fransis la iyardo Commission Ad Hoc, waa urur
ee waxti sanaad meellahaasi jirii layhayd, oo ku diyaarin layhayd urur dawladeed
oo xuquuqal insaanka ku saabsan, oo inta dabaadee an ku jiri lahayn .

Anigu waxaan ku jira urur
kalay oo madax banaan, tu dowladday ma ahaa.

Ilaa imika ururka wuu
shaqaynayaa, hasee yeeshe shirka la qaban qabiyay imika, sanad kii hore caxir
keeddi ayaanu go’an ku garnay in la samayyo.

Marba dib bay u dhaaceeysay.
Waxay dib ugu dhaaceeysay wasirka uun baa oog, ani ma oogi.

In badan waa nu waydiney.
Fiqrad ahan waa nu sinay, waxan nu niri , shirka waa inay horta daad badan
ay ka soo qayb galan, mucaridka ay ka soo qaby galan, bulshadda laga soo gayb
galiyo, nin waalba, ninki garaad lay oo dhibato arkay, waa inu si cad ah haga
uga hadlo, oo markas wixii muhim ah laga soo qacdo, oo lagu dhaagaqo.

Wasiirkuna waa Wasiirka Cadaaladda wayyan.

Caddaalada Djibouti, hadday
cadaaladdu aynay soconayn, haddanay cadaaladu madax banaanayn, Xuquuqal insaanku
majiri karto. Meel lagu askatoddo ma jirto. Marka caddalada oo xaquuqal isana
assas keeddi ba maleeh, assas ba maleh.

Anagu waxan waydisanaya
ina horta Caddaladda la so deqdeq jio

Su’aal BBCga

Lakin hagga Caddallada
meesha ku sheegi layhayd ina ka qayb gasho oo kaga doodi layhayd, shirka la
qabtay bay hayd, maxa uga gayb geli wayday shirkasi oo haga uga sheegi wayday
arrimaha aad immika timalmaysid warsirka?

Jawaabta

Wasiirka cadaaladda warqado
badan ayaanu uu qornay. Ilaa hadana wax jawaab ah kama hayno. Waxay taasi
tilmaamaysaa dowladu inaanay diyaar u ahayn inay talaabo cad ay qaadato.


Su’aal : BBC
” Maxay oo kale ood dowladda ka doonaysaan inay qabato ? “

Jawaabta:
Haday qabatay shirka lagaga hadlayo xaquuqda bini aadanka, waxaan dawladda
ka filaynaa oon mar walbana aan ku cel-celinaa in xukuumadu ay keento sidii
ay cadaaladu ku madaxbanaanaato. Hadda xuquuqda bini aadmigu ma gaadhsiina
halka la doonayo.
Waxaa jirtay waaqtigii gumaystaha ilaa 1996 sharci tilmaamayay haddun qof
madax ahi uu cadaalad daro sameeyo, amaa uu gafo, maxkamad lagu dacweey. Tiina
waa la joojiyay 1996.
Maxkamadana waa la curyaamiiyay, mana socoto madaama arintaasi ay meesha ka
baxdayna, cadaaladi ma jirto ayay ka dhigan tahay.

Warkad ayaan u qornay
Warsirka caddaladda iyo wasiirka arimaha gudaha. Taas oo aanu kaga codsanayno
in dib la noogu dhigo shiikaas ilaa bisha september.

Su’aal: BBC

” Maxaa idinku kalifay
in shirka dib la idiingu dhigo? “

Jawaabta:
Waxaa nagu kalifay in marka ugu horaysa kamay soo qayb galin ururadda dowliga
ahayn ee xuquuqal bini aadmiga ihi, mucaaridka dalkuna kama soo qayb galin.

Dhibaatooyin way jiran. Si xal loogu helona waa inay ka soo qayb galaan. Waxaa
17 iyo 18 bishan skirka isugu yimid masuuliyiin fara badan. Ururadii dowladda
oo kaliya ayaa la casuumay ururaddi bulshadda lama casumin.
Marka haddanay shiirka ka soo qayb galin ururaddi bulshadu oo ah dadka ay
dhibaatadu taabanayso, amaa siye wax tabanaya, markaa wax micno ah ma samaynayo
shirkaasi.

Su’aal : BBC

“Adigu ma waxaad
doonaysa in mar la wada qabto miyaanay ahayn in hadba qayb la qabto?”

Jawaabta:
Anigu waxaan lee yahay “oodo dhacmay siday u kala sareeyaan ayaa loo
kala guraa”. Horta cadaaladda iyo maxkaddaa ha la hagaajiyo.
Waxaanan aaminsanahay hadday cadaaladu hagaagto xuquuqal insaanka badankiisuna
wuu hagaagayaa.

Su ‘aal: BBC

“Jean-Paul waxan
ku waydiinayaa adigu ma waxaad tahay mucaarid mise xuquuda bini aadamka ayaad
u doodaa?”

Jawaabta:
Way jirtay waa aan mucaarid ahaa. Anigu waxaan u doodaa xuquuqda bini aadamka
taas macnaheedu waxa weeye inaad runta sheegtid. Faraqa u dhexeeya mucaaridka
iyo xaquuqda bini aadamka waxa weeye: mucaaridku shakhsi ayuu diidan yahay,
kuna dadaalaa sidii loo bedeli lahaa. Anaguse waxaanu dhaliilnaa maamulka
iyo meesha uu ka qaloocday, waajib aana naga saaran ilaalinta xuquuqda bini
aadamka iyo meel ka dhacyada la sameynayo.

Su’aal: BBC

“Waxaad wax iiga
sheegtaa waxyaabaha xuquuqda bini aadamka ay dawladdo meel kaga dhacday?”

Jawabta :
– 1°) Waxaa jirta gudi maxkamadeed ilaaliisa dhibaatooyinka ka yimadda
maamulka. Waxaan lee yahay gudidaas ma shaqayso laga soo bilaabo 1996. Ilaa
iyo hadda, ilaa iyo mudadaasna waanu ka hadalnaa, kamana aamusno. Waana inuu
madaxwaynuhu amar siiyo gudoomiyaha maxkamada sare. Dacwadihii la dhigay tiradoodu
waa 180 fayl, anagu xataa dacwad ayaanu dhignay aanu ku soo oognay Wasiirkii
Hore ee Arimaha Guddaha, maxkamaddaa ayaan ka ashkataynay ilaa imikana jawaab
kama hayno. Waxaa daayacayaana waa had iyo jeer cadaala daradaa.
– 2°) Jabuuti waxay heshiis kula samaysay waxa loo yaqaano sandikooyinka
international Organisation.
– Arrimaha nuucaas oo kalena aad ayaan u taageeraynaa una dhurin gaxnaynaa.
– 3°) waxaan lee nahay dadku waa inay aad uu fahmaan doorashadda iyo xeerarkeeda.
Haddaanu nahay ururka xuquuqda bini aadmiga ee Jabuuti waxaanu ku samayndoona
taababar aanu dadka arintaa ugu qeexayno. Waxaanan dhamaan tusaynaa doorashooyinka
oo dhan oo aan ku tarjumney labada luqadood ee afka Canfarta iyo afka Soomaliga.

Su’aal: BBC

“Inaad arimahan aad
golihii ka sheegto iyo inaad golihi ka maqnaato midkee wanaagsan?”

Jawaabta:
Anagu dhamaan wixii la taabanayay oo dhan waan qornay dadka sida gaarka ay
u khusmeysaana waa xaqa iyo xaqdarada kale sheegi lahaa waa bulsho weynta.
Waxaan u tagi waayey ragii maamulayey ayaan ahaa ee Pnud waydiistay in la
naga taageero arimahaas. Isla mar ahaan taana na looma sheegin. Ajandaha lagaga
hadlayo taasina mey dhicin.