04/04/10 (B545) Ahmed Reyale, dans une nouvelle interview à la presse en langue Somali, déclare qu’une tentative de modification de la constitution constituerait un risque majeur pour la paix et la sécurité intérieure de Djibouti. (A lire et à écouter – Info lecteur)

___________ 1 – Résumé en Français, proposé par notre informateur

Dans l’interview, Ahmed Reyale déclare que si le gouvernement actuel en place s’avisait de changer la constitution nationale, la situation de paix du pays serait gravement mise en danger.

En réponse à la question du journaliste qui lui demandait « les raisons pour lesquelles le peuple djiboutien ne s’opposait pas à ce projet ? », Ahmed Reyale explique que le peuple djiboutien vit sous la peur de la répression et qu’il ne dispose pas de la liberte d’expression, prévue par toutes les conventions internationale.

Cela ne doit pas occulter le fait que 80% des citoyens djiboutiens s’opposent à toutes les modifications de la Constitution.

Le journaliste lui a demandé ce qui arriverait au cas où la constitution serait modifiée contre la volonté populaire.
Il a repondu qu’une riposte adaptée était envisagée mais qu’elle sera annoncée le moment venu.

____________ 2 – Ecouter l’interview

 

____________ 3 – Texte en langue Somali

Mucaaradka Jabuuti oo ka hadlay Doorashada 2011-ka ka dhacaysa Jabuuti

Doorashooyinka madaxtinimada wadanka Jabuuti ayaa waxay ka dhici doontaa dalkaasi Horaanta sannadka soo socda ee 2011 waxaana soo baxaya mucaarad xoogan oo ay kaga soo horjeedaan Qurbajoogta Reer jabuuti ee Caalamka iyo Axsaabta mumcaradka kuwaasi oo madaxweynaha lu eedeynaya inuu doonayo inuu dastuurka wax ka badelo.

Axmed Rayaale Buux oo ah Afhayeenka Xubnaha Mucaaradka Jabuuti ayaa isaga oo ku sugan wadanka Belgium ay xidhidhey warbaahinta Caalamiga ah ee SBC waxaana uu sheegay inaysan raali ka ahayn shacabka Jabuuti wax ka badel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi taasi oo uu haatan qorsheeda wado Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismacil Cumar Geele

Rayaale waxaa uu sheegay in Dastuurka Dalka Jabuuti uu dhigayo in madaxweynaha uu isa soo taagi karo 2 jeer wixii ka badan uusan dhigeyn Dastuurka dalkaasi waxaana uu ku eedyay Ismaacil Cumar Geele mid Xilligan wada Qorshe wax ka badal oo ku aadan Dastuurka iyo doorashada taasi oo uu doonayo in mar sadexaad uu jagadasi isku soo taago sida uu hadal uu u dhigay.

Axmed Rayaale oo aanu weydiinay Bacdamaa dadka dalkaasi ay Doorashada Codkooda ka dhiibtaan sababta ay arintaasi iga hor iman waayeen ayaa waxaa uu sheegay Mr.Rayaale in shacabka Jabuuti ay yihiin kuwo la cabsi geliyay islamarkaasina aan awoodin inay ka hadlaan wixii dani ugu jirto.

Mr.Rayale waxa uu sheegay in dalka Jabuuti uusan ka jirin Dimuquraadiyad xitaa boqoliiba hal sida uu hadalka u dhigay waxaana uu sheegay inay yihiin dadka jabuuti dad awood loo sheegtay.

Mar aanu weydiinay Afhayeen Xubnaha mucaaradka Rayaale Waxa u qorsheysan inay ka qabtaan hadii talaabadaasi uu qaado Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele waxaa uu sheegay inay arintaasi ka soo horjeedaan islamarkaasina ay shacabka Dalkaasi ugu baaqayan inay arintaaasi ka soo horjeestaan DIbad baxyana dhigaaan si ay u muujiyaan Dareenkooda ku aadan Maamulka Haatan ee Jabuuti.

Xisbiyo mucaarad ah oo dhowr ah kuwaasi oo ka dhisan qaarada Yurub ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday Qorshayaal ay kaga soo horjeedaan taalada Maamulka Talada Jabuuti ee wax ka badalka dastuurka dalkaasi waxaana ay sheegeen inay doonayaan inay dalkaasi ka saran dhibaatoyinka ka jira.

Masuulkan ah afhayeenka Ururada Mucaaradka Jabuuti oo ku sugan Builgem ayaa waxaa uu sidoo kale Ku eedyay Madaxweynaha Jabuuti mid xilligaan khatar gelinaya Xaalada Dalkaaasi hadii aan laga wareejin Xilka madaxtinimada wadanka Jabuuti waxaana uu sheegay inay Tahay Mid ay ka soo horjeedaan.

Ugu danbeyn Axmed Rayaale Buux afhayeenka Mucaaradka Jabuuti waxaa uu ugu baaqay shacabka Jabuuti inay arintaasi ka muujiyaan dareenkooda isaga oo sheegay inuusan dalka tegi Karin bacdamaa Qaar ka mid ah asxaabtiisa lagu xiray gudaha wadankaaasi oo uu sheegay inay ka jirto awood u sheegasho uu wado madaxweyna Ismaaciil Cumar geele Sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.