22/12/2011 (B635) Un article en Somali proposé par M Houssein Andoleh (avec une synthèse en Français)

________ Synthése en Français par notre correspondant

Cet article écrit par un journaliste somalien témoigne de l’intérêt des jeunes de la région aux événements de Djibouti.

Une journée de commémoration du massacre d’Árhiba des victimes a eu lieu, la population s’est mobilisé venant de tous les quartiers de la capitale bravant ainsi les intimation du gouvernement et la forte présence de l’armée.

L’article reprend les propos de différents leaders :

Il mentionne Jean Paul Abdi Noel qui est encore surpris de voir les commanditaires (Ismael Omar et son defunt oncle) en liberté.

L’article mentionne Farah Abadid qui fut récemment incarcéré et torturé et l’appel à l’union de Abdillahi Hamareite.

Cassim Ahmed Dini dénonce avec force les tactiques moyenâgeuses du régime moribond qui castre sa population.

____________________ Article en Somali

Jabuti Dec 19,2011(qurbejoog.com)-Waxa maalinimadii shalay isu soo bax lagu xusayo xasuuqii Arihba oo mucaaridkii Jabuuti ee gude iyo dibedba isku arkeen lagu qabtay magaalada Jabuuti.

Ciidamada Amaanka ee Jabuuti ayaa maalmihii u dabeeyay waday dedaalo ay dadka uga digayaan ka qeybgalka xuska.

Isu soo baxa oo ka dhacay aag ku dhaw xabaalaha dadkii lagu xasuuqay Arihba 1991kii ayaa waxa ka qeybgalay dad faro badan oo ka kala yimi guud ahaa Jabuuti gaar ahaan xafadaha Caasimada.

Madaxa ururka xuquuqul insaanka Jabuuti Jean Paul Noel oo ka qeybgalay xuska sanad guuradii 20 e ka soo wareegtay xasuuqii Arihba ayaa sheegay in ay tahay wax lala yaabo in dadkii xasuuqaa geystay ay weli dalka xoriyad ku joogaan.

Waxa isna halkaa hadal ka jeediyay halyeyga u dagaalanka xuquuqul insaanka ee Faarax Abediid Xildiid oo ka mid ahaa rag dhawaan lagu jirdilay xabsiga Gabood.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDJ Abdillahi Hamareita ayaa isna halkaa hadalo dadka ku dhiiri geliyay in ay u midoobaan isu soo baxyo soo socda oo mucaaridku wadaan.

Balse hadaladii ugu kululaa eegalabtaas halkaa laga jeediyay waxa lahaa Qaasim Axmed Diini oo ku hadlayay magaca ARD,isla markaana France uga yimi si xafladan uu uga qeybgalo.

Qaasim waxa uu sheegay in xukuumada Jabuuti ee keli taliska ahi ay ku cunaqabateyso shaqaaleheeda mushaharad ay siiso oo ay ka dhinto.

Waxaanu intaa raaciyay in xukuumada Jabuuti afka qabato garsoorka dalka,culimada iyo ardeyda ka cabaneysa waxbarasho la’aanta iyo shaqola’aanta.

ku xigeenka madaxa xisbiga ARD Adan Maxamed Cabdo iyo madaxa xisbiga ARD Axmed Yusuf Xumud ayaa iyaguna gebagebadii dhaliilo u jeediyay xukuumada Jabuuti oo ay ku eedeeyeen in ay wado qorshe ay dadka reer Jabuuti ku kala qeybineyso.

Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com