12/04/07 (B390-B) Un lecteur nous adresse une information publiée en langue somalie. Il s’agit de la découverte d’un nouveau charnier au Somaliland.
________________________________
Note de notre lecteur
Les Etats
Unis abritent des criminels de guerre
Un charnier a été mis à jour, le 10 avril 2007, à
Hargueisa au SOMALILAND à la suite d’ une forte pluie.
Vous trouverez ci-dessous, un article en langue somalie qui traite de cette
affaire qui remonte au temps de "la chasse au SNM" en 88/89 par
le regime du dictateur MOHAMED SYAD BARREH.
Dix neuf après, les bourreaux (voir photos dans l’article) sont toujours
en vie et ils ménent une existence paisible aux Etats-Unis en toute
impunité.
_________________________________
Extrait de Somaliland.org
Xabaala-wadareedyo
Cusub Oo Laga Helay Koonfurta Hargeysa: Waxa Booqday Siyaasiyiinta Mucaaridka
Somaliland.Org
— Hargeisa, Somaliland — 11 April, 2007
Hargeysa
(Somaliland.org) – Daadad ka soo rogmadey roob xalay ka da’ay magaalada
Hargeysa iyo hareeraheeda ayaa soo saaray xabaal-wadareeyo cusub oo ay ku
jiraan qalfoofka dad loo malaynayo in xasuuq lagu laayey, kadibna isku goob
lagu wada aasay, sannadihii 1988/89, markii dagaaladu dhexmareen Xooggagii
SNM iyo ciidamada Taliskii Siyaad Barre ee ka talinayey gobolkan.
War Le |
Xabaalo
wadareedyadaas waxa laga helay xaafadda Boqol Jire ee Koonfurta Magaalada
Hargeysa, meel u dhow xabaalihii hore ee Xasuuqa ee Malka-durduro oo iyagana
daadadku daahfureen qalfoofka boqolaal qof oo ku jira xabaalwadareedyo, kuwaas
oo inta la isku xidhxidhay rasaas la mariyey, kadibna goob keliya lagu wada
aasay.
Xabaalwadareedyadan cusub oo laga helay beero u dhow beero u dhow Malka-durduro
ayaa waxa saaka arkay qaar ka mid ah dadka beerahaas leh iyo dadka xaafadda
deggan oo u sheegay saxaafadda iyo dad kale. Waxaana xabaalahaas lagu arkay
qalfoof ay ku duuban yihiin xadhko la filayo in la isugu xidhxidhay dadka
la xasuuqay, maryihii ay xidhnaayeen dadka la xasuuqay iyo maryo loo malaynayo
in indhaha lagaga xidhay, ka hor intii aan la toogan iyo waxyaabo kale oo
muujinaya in ay yihiin xabaalwadareedyo cusub oo ka baxsan Xabaalihii hore
ee dib loo aasay qalfoofkii daadku soo saaray.
Xabaalwadareedyadaas cusub waxaa booqday galabta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,
Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida Fulinta ee
xisbiga iyo siyaasiyiin kale oo mucaarid ah oo uu ka mid yahay Inj. Maxamed
Xaashi Cilmi oo ka mid urur dhowaan lagaga dhawaaqay Hargeysa oo la yidhaahdo
QARAN.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyaha ururkii
SNM wakhtigii xooggaga ururkaasi dagaalada adag kula jireen ciidamada Taliskii
Siyaad Barre ee cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacbiga reer Somaliland
iyo Maxamed Xaashi oo isaguna ka mid ahaa aasaasayaashii SNM iyo hoggaankii
siyaasadeed ee ururka ayaa labaduba waxay murugo ka muujiyeen dadkii la xasuuqay
ee qalfoofkooda uu xabaalahaas ka soo saaray daadku oo ay sheegeen inay ahaayeen
dad shacab ah oo aan waxba geysan, balse, ciidamadii Siyaad Barre intay ka
soo ururiyeen magaalada ay xasuuqeen, iyagoo kaga aar-gudanaya khasaarihii
ka soo gaadhey dagaalkii SNM.
Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Xaashi waxay ku baaqeen in la dabagalo oo aan
laga hadhin dadkii masuulka ka ahaa xasuuqaas oo ay sheegeen inuu ka dhacay
Galbeedka Somaliland ilaa Ceerigaabo oo ah bariga fog.
Axmed Siilaanyo, waxa uu isagu sheegay in uu jiro Guddi Qaran oo loo xilsaaray
dabagalka Xasuuqii loo geystey shacabka ee ka dhacay dalka, isla markaana
ay socoto hawl caalami ah oo lagu baadhayo xasuuqaas, isagoo xusay in ay dalka
yimaaddeen khuburo caalami ah oo baadha xabaalaha xasuuqa. Balse, waxa uu
sheegay in muddadii uu talada hayey Madaxweyne Riyaale la curyaamiyey hawsha
guddidaas. Waxana uu soo jeediyey in guddi madax bannaan loo magacaabo dabagalka
xasuuqa.
Goobaha laga helay xabaalahan iyo kuwii ka horreeyey ayaa ah meelo u dhow
xarunta Taliskii xoogga badnaa ee lagu magacaabi jirey Qaybta 26aad ee Ciidamadii
Siyaad Barre, haatanna ah taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland. Waxaana
la sheegay in dad fara badan oo shicib ah iyo saraakiil ka tirsanaa ciidankaba
inta la soo ururiyey, kadibna inta kooxkoox la isugu xidhay dhegta dhiigga
loo daray, iyada oo loo dilayey inay isku hayb ahaayeen urrurkii SNM. Dilalka
noocaas ahina waxay dhaceen sannadihii 1988 ilaa 89 markii xooggagii SNM ay
soo galeen gudaha Somaliland, gaar ahaan Burco iyo Hargeysa.
War Le |
Dadka
beerahaas leh ayaa u sheegay saxaafadda in ay rumaysan yihiin in beerahooda
oo dhami ay buuxaan oo ay meelo badan oo ku jiraan xabaala-wadareedyo.
Xabaalo-wadareedyadani waxay soo baxayaan iyadoo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka
ee Caalamiga ahi ay soo cusboonaysiiyeen dacwadda la xidhiidha dembiyadii
dagaal ee uu geystey oo ay doonayaan inay ku soo oogaan Gen. Cali Samatar
oo 1988kii ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, isla markaana amray
duqayntii Ciidamadaasi u geysteen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
Cali Samatar waxa uu hadda ku nool yahay