30/05/09 (B501) FLASH INFO. La « Sérieuse de Vigny appareille pour Berbera et Aden ou le début d’une nouvelle colonisation stérile ? Le courant ne passe plus entre la presse Somalilandaise et IOG !! (Correspondant – en Français et en Somali)

L’ex-agent de la Piscine, le Fou d’Haramous IOG, nouveau associé de la Compagnie d’Outre-Mer Bolloré-Sarko et ex-ami devenu ennemi juré de Borreh s’apprête à diviser et à semer la pagaille de Hargeisa à Borama, de Mogadiscio à (Godey en Somali Occidentale)

Cet article du Journal Somalilandais Haatuf en dit long surtout avec ce passage (suivi de l’article du 28 mai 2009).

En un mot : ce passage sur un projet d’une société française en provenance de Djibouti aurait pour but principal de s’opposer à un projet d’investissement à Berbera de Borreh et de ses amis de Dubaï.

Cette dite Société Française basée à Djibouti a rencontré à Berbara le candidat du Somaliland le très contesté Riyaleh qui remet,depuis quelques temps, à chaque fois la date des élections au Somaliland.

On se demande pourquoi ?

Jusqu’à présent aucune information n’a filtré du partenaire d’IOG le sieur Riyaleh des diverses prétentions sur Berbera sans attendre la Stabilité de cette Région en pleine lutte contre le néocolonialiste du Peuple Somali de Zeila à Khismayo. .

On comprend mieux pourquoi et comment Bolloré a pu convaincre Zarko pour brandir en cachette le spectre de l’intérêt de l’Etat pour remettre au pas la justice de Versailles, afin mieux traire leur homme de paille.d’Haramous.

Il est temps à la Compagnie d’Outre-Mer Bolloré-Sarko de construire le Port Idéal sur les plages d’Haramous afin de faciliter les trafics des crimes organisés, sans oublier les installations des Banques haramousées pour contrôler en toute Sécurité les Blanchiments d’Argent vers le Boulevard Hausse-Man de la ville Lumière.

Il faudrait peut-être informer le Journal Somalilandais »Haatuf » du revirement d’une Décision de la Justice Française certainement pour des « Raisons d’Etat », car ce journal se pose beaucoup de questions sur les interférences d’IOG avec la Société Française en provenance de Djibouti à un moment où les divergences entre l’équipe de Riyaleh et l’opposition Somalilandaise sur les élections battent leur plein.

Après Mogadiscio. la France et Djibouti ont elle pour mission de déstabiliser le Somaliland, mais aussi, le Yémen du SUD (Port d’Aden) ?

____________________ Passage de l’article d’Haatuf.

« hadana waxa jira warar kale oo sheegaya inaanay ujeeddada muhimka ah ee ay meesha u yimaadeen taas ahayn, laakiin ay shirkaddan Faransiiska ahi ka shaqaynayso sidii looga hortegi lahaa qorshe kale oo jidka ku soo jiray oo uu wadey ganacsadaha weyn ee reer Djibouti, C/raxmaan Boore, kaas oo la sheegay inay isaga iyo shirkad kale oo carbeed doonayeen inay maalgashi ku sameeyaan dekedda Berbera, iyadoo la sheegay inuu C/raxmaan Boore qorshaha caynkaas ah kala soo xidhiidhay xukuumadda madaxweyne Rayaale, waxna ay iskaga ogaayeen, balse ay wax soo daba-mareen. Sidaa darteedna shirkaddan Faransiiska ah laga soo dhaqdhaqaajiyey dhinaca Djibouti si loogaga hortago qorshaha C/raxmaan Boore, waxayna arimaha Djibouti u dhuun-daloolaa sheegayaan inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo dhaq-dhaqaajiyey shirkaddan Faransiiska »
___________________________________

May 28, 2009 Rabiicul Al Awal
Maxaa Laga Ogyahay Kulanka Ay Xeebta Berbera Ku Yeesheen Madaxweyne Rayaale Iyo Shirkadda Faransiiska Ee Ka Hawlgasha Dekedda Djibouti
Dagaalka Xiddigaha Ee U Dhexeeya Ismaaciil Cumar Geelle& C/Raxmaan Boore Oo Xeebta Berbera Ka Dul-Sanqadhaya

Berbera, May 28, 2009 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo maalintii saddexaad socdaal ku jooga magaalo-xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa shalay guriga dawladda ee Berbera kula kulmay wefti Faransiis ah oo lagu tilmaamay wefti muhim ah.

Weftiga Faransiiska ah ee uu madaxweyne Rayaale kula kulmay guriga dawladda ee Berbera ayaa waxay ka yimaadeen dhinaca Djibouti, iyadoo la sheegay inay ka socdaan shirkad Faransiis ah oo fadhiisin ku leh dalka Djibouti, mana jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay waxyaalaha ay ka wada hadleen madaxweyne Rayaale iyo weftigan Faransiiska ahi. Hase yeeshee war-saxaafadeed kooban oo ay kulankaa ka dib soo saareen weftigani ayey ujeeddada booqashadooda Berbera ku macneeyeen inay doonayaan inay maalgashi ku sameeyaan dekedda, islamarkaana ay baadi goobi doonaan dhaqaale lagu kobciyo dhaqaalaha dekedda iyo kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha dekedda.

“Socdaalkan aanu Berbera ku nimid waa mid saddexda bilood ee foodda Inagu soo haya natiijadiisa la ogaan doono”ayey ku yidhaahdeen war-saxaafadeedkooda. Hase yeeshee madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ilaa hadda wax war ah kama ay soo saarin ujeeddada socdaalka weftiga Faransiiska iyo waxyaalaha ay ka wada hadleen. Waxaase jira warar madax-banaan oo tibaaxaya inay weftiga Faransiiska ah ee Berbera yimi, madaxweyne Rayaale-na la kulmay ay ka socdaan shirkad Faransiis ah oo ka shaqaysa rarida iyo rogista shixnadaha Maraakiibta, waxayna wararku sheegeen inuu madaxweyne Rayaale weftiga Faransiiska ahi kala hadlay sidii ay u rogi lahaayeen raashin mucaawino ah oo ay hay,adda WFP leedahay oo ku talo-galku yahay in laga soo dejiyo dekedda Berbera, taasna oo ay madaxweyne Rayaale ka wada hadleen weftiga Faransiiska, iyada oo uu raashinkaasi yahay raashin caawimo ah oo ay Itoobiya leedahay.

Inkasta oo ay weftigan ka socda shirkadda Faransiiska ah laga soo weriyey inay yidhaahdeen waxaanu maalgashi ku samaynaynaa dekedda Berbera, hadana waxa jira warar kale oo sheegaya inaanay ujeeddada muhimka ah ee ay meesha u yimaadeen taas ahayn, laakiin ay shirkaddan Faransiiska ahi ka shaqaynayso sidii looga hortegi lahaa qorshe kale oo jidka ku soo jiray oo uu wadey ganacsadaha weyn ee reer Djibouti, C/raxmaan Boore, kaas oo la sheegay inay isaga iyo shirkad kale oo carbeed doonayeen inay maalgashi ku sameeyaan dekedda Berbera, iyadoo la sheegay inuu C/raxmaan Boore qorshaha caynkaas ah kala soo xidhiidhay xukuumadda madaxweyne Rayaale, waxna ay iskaga ogaayeen, balse ay wax soo daba-mareen. Sidaa darteedna shirkaddan Faransiiska ah laga soo dhaqdhaqaajiyey dhinaca Djibouti si loogaga hortago qorshaha C/raxmaan Boore, waxayna arimaha Djibouti u dhuun-daloolaa sheegayaan inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo dhaq-dhaqaajiyey shirkaddan Faransiiska

ah, waayo Ismaaciil Cumar Geelle iyo C/raxmaan Boore oo xiliyada qaar saaxiib dhow ahaa, hadda fiinta ayaa dhexmiranaysa oo way coloobeen, taas darteedna shirkaddan iyo soo dhaq-dhaqaajinteedu waxay qayb ka tahay dagaalka uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kula jiro saaxiibkiisii ay coloobeen ee C/raxmaan Boore.

Madaxweyne Rayaale oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxa kale oo uu ilaa shalay ilaa doraad kulamo gaar gaar ah la yeelanayey kooxo kala duduwan oo ka mid ah dadka ku dhaqan gobolka Saaxil, lamase oga warar rasmiya oo sheegaya waxyaalaha ay kooxaha ka wada hadleen, waxaase la sheegay inay ku soo butaaceen cabashooyin kala duwan, iyadoo kooxaha uu la kulmay ay ka mid yihiin ururka Geellaha ee dekedda wax ka dejiya, waxna ka rara.

Socdaalka uu madaxweyne Rayaale ku tegay magaalada Berbera waxa uu ahaa mid aan la sii ogayn oo keliya, laguna war-helay markii uu galabnimadii Salaasada ee Doraad ka ambabax magaalada Hargeysa ee uu afka saaray dhinaca Berbera, waxayna dadku aad isu waydiinayeen ujeeddada socdaalkiisa Berbera ee waqtigan xaadirka ah, hase yeeshee waxay hadda u muuqataa inay tegistiisa Berbera ugu muhiimsanayd kulanka aan ajandaha lagaga wada hadlay tafaasiisha badan laga hayn ee uu la yeeshay qolada Faransiiska ah, waxayse wararku intaa ku darayaan inaanay meesha ka madhneyn inay ujeeddooyinka uu Berbera u tegay ka mid tahay hawl-gallo siyaasadeed oo la xidhiidha arimaha doorashooyinka ee foodda inagu soo haya.