04/03/10 (B540) Reprise dans la presse du Somaliland du Clash qui a gravement perturbé l’intronisation de l’Ougas Issa. (Cet article en Somali confirme les informations qui ont été publiées sur le site, dès avant-hier matin) – Info lecteur.

Beesha Ciise Oo Ku Fashilantay Caleema Saarka Ugaaskoda Iyo Rasaas La Isku Riday

Saylac-(Lug)-Saacad ka dib markii lagu dhawaaqay caleemo saarka Beesha Ciise ee ka dhacay maalada Saylac waxa bilawday qudbado dhaadheer oo ay wufuuda kasoo jeeda wadanka Jabuuti ka jeediyeen madaasha lagu caleemo saarey Ugaaska Ciise.

Gudiga qabanqaabada Caleemo Saarka Ugaaska Ciise ayaa ku fashilmay inay dheeli tir ka dhigaan martisharafka ka kala timid Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo wasiiro ku jireen.

Bilowgii Caleema saarka ayaa buuq ka dhex bilowday dowlada Jabuuti madaxdeeda iyadoo ninkii hogaaminayay ragii soo helay Ugaaska oo khudbadeydanaya yiri “Waxaan nimid dhulka Soomaaliya” kadibna waxaa orday Wasiirka Waxbarashada Jabuuti oo ku yiri dheh Somaliland balse Odayga ayaa diiday oo yiri Soomaaliya ayaan joognaa isagoo diidayay Somaliland jiritaankeeda, waxuuna yiri “Dabkii la tuuray oo ay u gambisay Somaliland ayaa ku dhacay Koonfurta oo ilaa iminka ka holcaya Soomaaliya ayaan aniga aqoonsanahay” kaasoo durba dhalisay khilaaf dhex yimaada madaxdii Somaliland ka socotay iyo kuwa Jabuuti oo kuraaasta kala qaatay kana durqay.

Saladiinta reer Hargeysa iyo Xildhibaano badan ayaa markiiba go’a shaalka ah garabka saartey kana dareeray hoolka weyn ee khudbadaha kala duwani ka bilawdeen iyagoo ka cadhooday sida gudiga qaban qaabada caleema saarka Ugaaska Ciise u yaraystey wufuuda kala duwan ee kasoo kala kicitimay Jamuuriyada Somaliland oo ay ku jireen Wasiiro, Xildhibaano iyo Saladiin intuba.

Wufuudan reer Somaliland ee ka dareertey hoolka lagu caleema saarayey Ugaaska Ciise ayaa waxay shegeen in caleemo saarka Ugaaska ciise aanu ahayn sidii ay filayeen ee dhaqanku ahaa ee ay ka danbayso arimo aan horey uga dhicin gobolka oo ah in dawlada Jabuuti gacanta weyn isbiday inay Saylac ka talin karto masuuliyiintii reer somaliland ee dhulka lahaana ay maanta noqdeen kuwo hadalka loo diidey oo hoolka xaga danbe fadhiyo looga diyaariyey sida shacabka caleemo saarka kasoo qayb galayna loola dhaqmay.

Murankan ayaa cirka isku shareeray ka dib markii qaybinta hadalka ay durba isku khilaafeen jilibyada Beesha Ciise oo ku loolalamay hadal korodhsi iyo in jilib walbaa isaga la dhegaysto isla markaana wakhtigii hadalka loogu talo galay ay Cuqaasha Beesha ciise qaar ka mid ahi iska indho tireen kuna fogaadeen ilaa intay ka daalayeen.

Waftiga dhinaca Jabuuti ayaa isagu nasiib u helay in Hoolka halka ugu horeysa loo furaasho waxa ku xigay laynka labaad ee dadka muhiim ah oo laga dhigay Cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Jilibyada Ciise ee dalka Itoobiya oo safka labaad lagu marti qaaday halkaasna safka ugu danbeeya ay ku midoobeen Madaxdii iyo wufuudii iyo waliba Saladiintaii Somaliland oo ay weheliyaan shacabka reer Jabuuti ee iyagu usoo socdaalay caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise ee maanta ka dhacay magaalada Saylac.

Inyar ka dib ayaa waxa la maqlay rasaas aad u xoogan oo ka dhacaysa diabada hoolka weyn ee caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise ka dhacayey rasaastaa oo ay rideen ciidamada Somaliland iyo ciidamada ilaalada dharcada ah ee reer Jabuuti oo iyagu gabi ahaanba ku daadsanaa agagaarka hoolka Caleemo saarku ka dhacayo iyadoo rasaastan oo timi ka dib markii ay shacabka magaalada Saylac ka cadhoodeen in laga horjoogsado inay xaflada ka qayb galaan.

Dadweynaha reer Somaliland ee degan magaalada Saylac oo gabi ahaanba laga horjoogsaday loona diiday in caadhadhka xaflada lagu galayo wax laga siiyo tanina waxay keentey in qaar ka mida ahi rasaas oogta kaga qadaan guriga Caleemo saarka Ugaasku ka dhacayo, Arintan oo ciidamada nabad sugiga Somaliland ee uu hogaaniminayey General Maxamed xudhuun ay dajiyeen dadkiina kala eryeen.

Sidoo kale dadweynaha degan magaalada Jabuuti oo aad u dhawrayey inay caleemo saarka Ugaaska beesha Ciise ka daawadaan TV ga qaranka Jabuuti ayaa ku hungoobay inay arkaan caleemo saarka muranku ka dhashay oo ay dawlada Jabuuti gabi ahaanba joojisey inay TVga laga soo daayo madaamada ay rasaas iyo rabshado ka dhasheen caleemo saarka Ugaas Beesha Ciise .

Dhinaca kale lafo ka tirsan Jilibyada beelaha ciise ee Itoobiya ayaa oo kasoo dareeray xaflada caleemo saarka Ugaas Mustafe oo saxaafada gobolka Awdal kula kulmay banaanka hoolka caleemo saarku ka dhacayo ayaa sheegay inay ka anfariiren sida qaldan ee dawlada Jabuuti siyaasada u hoos wado caleemo saarka Ugaaska ay jecel yihiin waxaanay shegeen inayna marnaba filayn sidan in ay xaflada caleemo saarku u dhacdo ergo ka tirsan jilibka Odax gob oo la hadashay saxaafada oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Oday-waa ayaa sheegay in tariikhda maanta aan horey looga arag Ugaas rasaas lagu caleemo saarey eediisana waxa leh ayuu yidhi Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geleh oo aanan la garanayn waxa uu ka damacsan yahay qaskan kacay maanta

Arimaha yaabka leh ee ee ka dhacay hoolka lagu caleemo saareyey ugaaska Beesha ciisa waxa ka mid ahaa ka dib markii gabadh ka mida wufuuda ka timi dalka Itoobiya ay sheegtey in aanu odaygii jilibkeeda matalayey aanu iman xaflada Caleemo saarka isla markaana ay iyadu matalayso hadalkana qaadanayso !! Arintan ayaa anfariir waxay ku dhalisey gudida qabanqaabada caleemo saarka Ugaska Beesha Ciise waxaana inmudo ah lagu murmay in gabadha loo ogolaado inay jilibkeeda u hadasho iyo in tani dhaqanka soomaaliyeed burinayso ceebna ku noqon doonto caleemo saarka Ugaaska.

Waftiga ka socday dalka Jabuuti ayaa si cad ugu cadaadiyey gudiga qaban qaabada caleemo saarka Ugaska Ciise inay ogoladaan qoftan haweenka ahi inay hadasho jilibkeedana u hadasho arintan iyana dhalisey in ku dhawaad 7 Oday dhaqameed oo kale ka dareeraan madaasha caleemo saarku ka dhacayey ka dib markii gabadhii qaadatey mikrofoonka iyadoo aayadaha quraanka ku bilawday hadalkeeda!!

Ergooyinkan reer Somaliland ee ka dareeray caleemo saarka Ugaaska ciise ee magaalada Saylac ayaa iyaguna dhinacooda la yaabay sababta ay Saladiinta Gobolka Awdal ugu hadheen Hoolka caleemo saarka oo ay ka fadhiyeen meesha ugu danbaysa isla markaana aan wax hadal ah loo ogolaan inay xaflada kasoo jeediyaan. Arintan ayaa waxay si weyn uga cadheysiisey dadweynaha reer Saylac ee ay Beelaha Samaroon oo aad ugu xumaaday sababta ay Saladiinta reer Awdal u ogolaadeen inay kusii hadhaan hool aan wax tixgalin ah lagu siin loona ogolaan inay hal eray ka yidhaahdaan haba yaraatee.

Loolanka hadal biirsi iyo xafiiltanka laandheerenimo ee beelaha Ciise iskugu faanayeen ayaa ahaa mid qofwalba si gaara usoo jiidata marka laga reebo muwaadiniinta Jamuuriyada somaliland ee shirka kasoo qayb galay oo iyagu xafiiltankan u arkayey ku meel qaldan ka dhacaya.

Ugaaskaan ayaa si deg-deg ah Galabnimadii markii la Caleema saaray ugu baxay Saylac iyadoo hore loo go’aamiyay inuu Saylac joogo muddo 7-cisho ah balse taasi waxaa diiday madaxda Jabuuti kadib muran xoogan oo